Cali Guudlaawe oo ka hadlay qaraxii lagu le’day ee ka dhacay Baladweyne

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska qaraabada iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee ku naf waayay qaraxii lala beegsaday saaka Baar Xasan dhiif ee Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in argagixisadu cadow ku yihiin nolosha iyo horumarka dadka Soomaaliyeed, yoolkooduna yahay gumaadka shacabka iyo beegsiga haldoorka bulshadeena sida uu yiri

Madaxweynaha ayaa amray laamaha kala duwan ee amniga inay xaqiijiyaan amaanka Magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar oo ay ka socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka.

Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Alle uga baryay Masuuliyiintii iyo shacabkii ku geeriyootay qaraxii argagixiso in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, inta ku dhaawacantayna uu Eebbe u boogo dhayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -